Baaq ku saabsan xeerka Kufsiga, Sinada iyo Xadgudubyada la xidhiidha (Xeer Lr.78/2020)

Komishanka xuquuqla insaanka qaranka Somaliland ayaa magaalada hargaysa ku qabtay kulan hawleed ay kasoo qayb galeen daneeyayaasha kala duwan ee xuquuqal insaanka qaranka

Kulanka waxa lagu falanqeeyay xeerka kufsiga, sinada iyo xadgudubka la xidhiidha (Xeer Lr.78/2020) oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland haatana hor yaala golaha Guurtiada Somaliland

Kasoo qayb galayaashu waxay falaqayn iyo dood dheer ka yeesheen qodobada qaar kamid ah xeerkan oo u baahan ku noqosho iyo wax badal ka hor inta aan loo gudbin madaxawynaha waxaana ay soo jeediyeen fikirkadahooda ku saabsan qodobadaas

Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Maxamed Baaruud oo kulanka furay ayaa sheegay in ujeedka u wayn ee kulan-hawleedkani yahay sidii ay talo midaysan iyo fikrado loo dhan yahay ay xeerkan kufsiga, sinada iyo xadgudubyada la xidhiidha uga gaysan lahaayeen xubnaha kala duwan ee ka socoda daneeyayaasha xuquuqal insaanka ee Somaliland