Furitaanka 16-ka maalmood ee ka dhanka ah tacaddiyada loo gaysto Haweenka iyo dadka nugul

Gudoomiyaha komishanka xuquuqal Aadanha Qaranka Maxamed Baaruud ayaa si rasmi ah u furay ololaha caalamiga ah 16-ka maalmood ee ka dhanka ah tacaddiyada loo gaysto Haweenka iyo dadka nugul

Ololahan ayaa socon doona muddo 16 maalmood ah mudadaas oo lagu soo bandhigi doono warbixino, doodo iyo qorshe-hawleedyo kala duwan oo la xidhiidha tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo dadka nugul.