Guddoomiyaha Komishanka Xuquual Aadamaha Qaranka oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA.

 

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka Somaliland Mudane Mohamed Barud Cali oo ay weheliyaan Guddoomiye kuxigeenka Komishanka, agaasimaha Fulinta Komishanka iyo la tiliyayaasha Komishanka ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mudane, Sakariye Axmed Maxamuud iyo agaasimaha Fulinta ee SOLJA Ilyaas Cabdilaahi C/raxman.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa xoojinta wada-shaqaynta labada xafiis sidoo kale waxay labada dhinac falaqayn dheer ka yeesheen ilaalinta iyo kormeerida xuquuqda saxafiyiinta.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu falaqeeyey halka uu marayo xeerka saxaafada ee cusub, iyagoo labada dhinacba mujiyeen muhiimada uu leeyahay in la helo xeer dhamaystiran oo ilaaliya xuquuqda saxafiyiinta sidoo kalena lagu dhaqan celiyo saxafiga xad-gudub sameeya.

Kulankan ayaa lagaga wada hadalay xaalada doorashooyinka iyo doorka  la rabo inay saxaafadu kaga qayb qaadato wacyigalinta iyo tabinta wararka arrimaha saxaafada iyagoo dhawraya shuruucda dalka.

Gabagebadii kulanka ayaa kusoo dhamaaday isfaham iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta labad xafiis sidoo kalena kor loogu qaadi lahaa tayada aqoonta saxafiyiinta iyo isfahanka hay'adaha sharci fulinta dalka.