Heshiis Isfahan oo Dhexmaray Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka JSL iyo Jaamacadda Hargeysa

Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka JSL, isaga oo ka duulaya waajibaadkiisa qaran sida ku xusan Xeerka Komishanka (Xeer Lr. 39/2010), kaas oo ku waajibinaya wacyi-gelinta iyo barista bulshada xuquuqda aadamaha, iyo sabab kasta oo loogu baahan yahay in lagu qaddariyo xuquuqahaas, iyada oo la adeegsanayo barnaamijyo cilmi-baadhiseed, warbaahinta ama qaab kulameed uu komishanku u arko in ay ku habboontahay.

Sidoo kale, Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka JSL isaga oo ogsoon muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha qaranka iyo goobaha waxbarasho sida Jaamacadaha, waxa uu halkan kusoo bandhigayaa in Komishanku la gaadhay *Heshiis Isfahan* Jaamacadda Hargeysa kaas oo guddoomiyaha Komishanka iyo guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ay shalay oo taariikhdu ahayd 3dii Bisha Ogosto ee 2021 ay ku kala saxeexdeen.

Waxa farxad weyn noo ah in heshiiskaasi noo suurogalay, kaas oo aannu ku rajo weynnahay inuu wax weyn ka tari doono sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta xuquuqda aadamaha iyo ilaalintooda.

Ugu dambeyn waxaannu mahad ballaadhan u jeedinaynnaa maamulka jaamacadda oo si wanaagsan u garwaaqsaday muhiimadda heshiiskani leeyahay.