Komishanka Xuquuqal Aadamaha oo Kormeeray Saldhigyo iyo Xabsiyo kala duwan

Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka aya kormeer ku sameeyay saldhigyo iyo xabsiyo ku yaala magaalooyinka Hargeisa, Gabiley , Arabsiyo iyo magaalo ganacsiyeedka Wajaale. Kormeerkan oo aha mid uu komishanku xog kaga helayay xaaladaha guud ee goobahas iyo dhamaan maxaabista ku sugan.

Xubnaha ka socday Komishanka oo warbixino kala duwan ka dhagaystay masuuliyin kala duwan oo goobahaas ku sugna aya ka ugu gebegebedii ka dhawaajiyay dardar gelinta iyo xoojinta arrimaha xuquuqal aadamaha ee maxaabista kala duwanayd.