Kormeerka Komishanka Xuquuqal Insaanka ee Gobolka Sool

Komiishanka xuquuqal insaanka qaranka Somaliland aya kormeerkii joogtada aha ku tagay magaaladda lasacanood. Kormeerkan oo u hogaaminayay Agaasimaha Fulinta Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xassan oo u weheliyo Isuduwaha xuquuqal adamaaha gobolka Sool Xassan Diiriye Cartan iyo xubno ka socda komishanka ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Gobolkaas Cabdiqani maxamuud jiidhe taas oo laga wada hadlay xaalada xuquuqal insaan ee ka jirta gobolka. Kormeerkan aya ah mid komiishanka Xuquuqal insaanka qaranka Somaliland ugu kuur geli doono guud ahaan Saldhigyada gobolkaas, Jeelasha, xalaada maxaabista iyo daryeelokooda, goobaha waxbarasho , goobaha cadaladeed iyo arrimaha Bulshada ee ku yaala gobolkan.