Kulanka Caqabadaha Warabaahinta Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda

Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka JSL ayaa soo qabanqaabiyey kulan lagu gorfeynaayey Caqabadaha Warabaahinta Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda. Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen daneeyeyaasha arrimaha warbaahinta, sida; Golaha Guurtida JSL, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Ururka Suxufiyiinta SOLJA, Ururka Suxufiyiinta Haweenka ee WIJA, Ururka Qareennada Haweenka Somaliland ee SWLA, Dalladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF, Qaramada midoobey, midowga yurub, ururrada bulshada iyo aqoonyahan kale ayaa si qotodheer loogu gorfeeyey caqabadaha haysta warbaahinta Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda oo door wanaagsan ka qaadan doona hagidda hawlaha warbaahinta iyo anshaxmarintooda.

Kulankan oo ugu horreyntii uu furay guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka JSL, mudane Maxamed Baaruud Cali ayaa kasoo qaybgalayaasha uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay uga soo qaybqaateen kulankan oo muhiim u ah ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadda warbaahinta Somaliland. Sidoo kale, guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay muhiim u tahay in dhammaan daneeyayaasha arrimaha warbaahintu ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa xaqa iyo xorriyadda warbaahinta.

Dhankooda waxa iyaguna halkaas hadallo kasoo jeediyey dhammaan kasoo qaybgalayaashii kulanka oo si ballaadhan ugu bogaadiyey Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranku doorka uu kaga jiro sidii loo ilaalin lahaa xaqa iyo xorriyadda warbaahinta taas oo ka qayb qaadan doonta horumarka iyo hamsami u socodka dumuqraadiyadeed ee dalkeenna Somaliland.