Kulanka Gorfaynta Caqabadaha Warbaahinta Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda

Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka JSL ayaa soo qabanqaabiyey kulan lagaga hadlayay Caqabadaha Warabaahinta Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda. Kulankan aya aha mid ay ka soo qayb galeen gudida garsoorka , cadaalada shuruucda iyo xuquuqal aadamada ee golaha wakiilada, Ururka Suxufiyiinta Solja iyo xubno ka socda qareenada  Somaliland ayaa si qotodheer loogu gorfeeyey caqabadaha haysta warbaahinta Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda oo door wanaagsan ka qaadan doona hagidda hawlaha warbaahinta iyo anshaxmarintooda.

Falaqayn dheer kadib waxay dhamaan xubnihii ka soo qayb galay kulankani mujiyeen baahida loo qabo xeerkan cusub iyo siddii loo derdergelin laha dhamaystirkiisa.