Tababar Aqoon iswaydaarsi ah aya lagu qabtay Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka

Shaqaalaha waaxda kormeerka ee komishanka ayaa la siiyey tababar aqoontooda kor loogu qaadayo. Tababarkaas oo ay ahayd ujeedadiisu is xasuusinta shaqada iyo awoodaha komishanka, fahamka agabka (tools) xog ururinta xabsiyada iyo saldhigyada bilayska, fahamka habraacyada kormeerka xaaladaha Xuquuqul aadame iyo hanaanka loo korjoogteeyo loogana warbixiyo aarimaha xuquuqda aadamaha. Tababarkan ayaa waxaa bixinayey agaasimaha waaxda kormeerka ee komishanka Xuquuqul aadamaha qaranka Cabdilaahi Maxamed Bile.