Tababar Aqooneedka Komishanka Xuquuqal Iinsaanka iyo Ha'ayada UNSOM

Tababar aqooneed muddo Labo maalmood ah uga socday Xubnaha Guddida iyo Shaqaalaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka aya lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Hay’adda UNSOM iyo Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka oo soo qabanqaabiyay tababarkan ayaa waxa ka qayb qaatay guddida iyo shaqaalaha Komishanka Xuquuqal Insaanka, kaas oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha Komishanka ee ilaalinta iyo ka shaqaynta arrimaha Xuquuqal Aadamaha.
Khuburo ka socday UNSOM ayaa si wada jir ah u wada gudbinaayey tababarkaas oo aad iyo aad muhiim ugu ahaa sidii loo ilaalin lahaa xuquqaadka kala duwan, noocyada ay yihiin iyo sidii ugu haboon ee Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranku uga qayb qaadan lahaa doorka ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqdkaas.
Marwo Rooda oo ka mid ah gudida Xuquuqal Aadamaha Qaranka waxay si weyn ugu bogaadisay shaqaalaha komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka sida fiican ee ay uga qayb qaateen tababarkan aqooneed uguna dardaarntay sidii ay u dabaqi lahaayeen xirfadaha iyo aqoonta ay ka korodhsadeen tababarkan.
ugu dambeyntii, Tababarkan oo Labo maalmood socday waxa si rasmi ah u soo xidhay Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Mudane Maxamed Baaruud Cali kaas oo uga mahad celiyey dadaaladda ay hay’adda UNSOM Komishanka Xuquuqal Insaanka ugula jiraan inay ka qayb qaataan ilaalinta xuquuqal insaanka ee Somaliland.