wacyigelinta waxbarashada madaniga iyo arrimaha xuquuqal insaaka ee ka hor tagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka


Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL ayaa wacyigelin dhinaca waxbarashada madaniga iyo arrimaha xuquuqal insaaka ee ka hor tagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka ku qabtay dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf (Ex–Gacan Libaax) ee magaalada Hargeysa. Kulankan oo ay goob joog u ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Xuquuqal Insaanka, Agaasimaha Fulinta iyo xubno ka tirsan guddida Koomishanka, Guddoomiye ku xigeenka waxbarashada Gobolka, maamulka dugsiga iyo marti sharafeed kale.
Wacyigelintan oo ay ka soo qayb galeen arday tiro badan oo iskugu jirta hablo iyo innamo ayaa waxa lagu falanqeeyay arrimaha waddaniyadda iyo sidii ardaydu u noqon lahayd kuwa dalkooda waajib iska saara iyo sidii ay horumarka naftooda iyo ta bulshada ba uga qayb qaadan lahayeen. Waxa kale oo lagu bogaadiyey ardaydu in ay wax bartaan iskana ilaaliyaan ku xad gudubka xuquuqaha dadka kale