
WAR-SAXAFADEED
Taariikh 19/4/2020
War-Saxafadeed
Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland wuxuu soo dhawaynayaa wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ee ku taariikhaysnayd 13/04/2021 ee uu cafiska guud ugu fidiyey maxaabiista dembiyada fudud ku xukunnaa ee ku jiray xabsiyada dalka.
Go’aankii uu qaatay ee ahaa inuu bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed cafis Madaxweyne u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu ahayd 484 maxbuus taas oo qayb ballaadhan ka qaadan doonta xakamaynta fiditaanka xanuunka covid-19 ee maxaabista ku jirta xabsiyada.
Sido kale wuxu Madaxweynaha JSL cafis u fidiyay sannadkii 2020kii maxaabiis tiradoodu dhantahay 939 maxbuus oo door muhiim ah ka qaadatay fududaynta tirada maxaabista ku jirta xabsiyada dalka iyo ka hortaggii lala galay xanuunkii Covid-19.
Waxa kale oo bogaadin mudan talaabada lagu talaalay maxaabista iyo ciidamada ku sugan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa annaga oo rajaynayna in la gaadhsiiyo dhammaan xabsiyada dalka.
ALLAA MAHAD LEH.