Xubnaha Komishanka Xuquuqal Insaanka iyo gudi hooska cadaaladda, shuruucda iyo xuquuqal insaanka ee golaha wakiilada oo kulan la qaatay madaxda Gobolka Togdheer

Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka oo ay weheliyaan xubno ka mida gudi hooska cadaalada, shuruucda iyo xuquuqal insaanka ee golaha wakiilada ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Gobolka Togdheer oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka, Mayor ka magaalada Burco, Taliska qaybta ee ciidanka bilayska iyo Xeer-illaaliyaha gobolka.

Kulamadan ayaa ujeedadoodu ahayd is-xogwaraysi iyo xogogaal u noqosho arrimaha xuquuqal insaanka gobolka gaar ahaan arrimaha saxaafada iyo caqabadaha ka taagan iyo xeerarka la xidhiidha, intii lagu guda jiray kulamadan waxay komishanka iyo xubnaha golaha wakiiladu ka dhagaysteen masuuliyiinta gobolka Togdheer warbixino la xidhiidha xaalada guud ee arrimaha xuquuqal insaanka qaybaheeda kala duwan.













'