Kulanka KXIQ iyo Ha'yadda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Gudida Barakacayaasha Hargeysa


Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa kulan la yeeshay xubno ka socday Ha'yadda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Gudida Barakacayaasha ee Hargeysa. Kulanka masuuliyiinta ayaa daarana xoojinta wada shaqaynta iyo falaqayn lagu sameeyay xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin bulshada kala duwan ee ku nool Barakacayaasha Magaalada Hargeysa. Warbixino kala duwan oo la iswaydaarsaday kadib waxaa kulanku ku soo dhamaaday isafgarad iyo sidii loo sii xoojin lahaa hawlaha wax lagaga qabanayo caqabadaha ka jira barakacayaasha magaalada Hargeysa.