Tababarka Laamaha Ciidanka ee Habdhaqanka Socotada

Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa tababar u qabtay laamaha ciidamada kala duwan ee kala ah Ciidanka Booliska , Ciidanka Socdaalka iyo Ciidamada Asluubta ee Ku Sugan Magaalooyink Borama iyo Wajaale.
Tababarkan oo ahaa mid kor loogu qaadayo habdhaqanka dadka socotada ah ee sugan dalka ama sii dhax maraya. Sido kale waxa tababarkan xooga lagu saaray sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda ay leeyihiin dadka socotada ah, noocyada ay yihiin iyo sidii ugu haboon ee laamaha kala duwan ee dowladu uga qayb qaadan lahayeen doorka ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqda dadka socotada ah.