Kulanka Wacyigelinta Ardayda Jaamacada Hargeysa

Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL ayaa wacyigelin dhinaca waxbarashada Xuquuqal Aadamaha, Ilaalinta xuquuqaadka kala duwan iyo ka hor tagga tacaddiyada ka dhanka ah Xuquuqal Aadamaha ku qabtay Jaamacadda Hargeysa(UOH).
Kulankan ayaa ahaa mid furitaankiisii goob joog u ahaayeen Agaasimaha Fulinta Komishanka Xuquuqal Aadamaha Cabdisamad Sacad Xassan , Madaxa Xidhiidhka ee Jaamacada Hargeysa Axmed Yuusuf Cabdi Goolcade iyo Agaasimaha Xidhiidhka iyo Wacyigelinta ee Komishanka Liibaan Cabdilaahi Jaamac.
Wacyigelintan oo ay ka soo qayb galeen arday tiro badan ayaa lagu falanqeeyay arrimaha xuquuqaadka kala duwan ee dalka, ka hortaga qaybaha kala duwan ee Tacaddiyada , waajibaadka iyo shaqooyinka xafiiska Xuquuqal Aadamaha qaranka iyo sidii ardaydu u noqon lahayd kuwa waajib iska saara sidii ay horumarinta naftooda iyo ta bulshadaba ee dhinaca xuquuqal aadamaha uga qayb qaadan lahayeen.
Waxa kale oo lagu bogaadiyey ardaydu waajibaad iska saraan arrimaha Xuquuqal Aadamaha iskana ilaaliyaan ku xad gudubka xuquuqaha dadka kale.