Kulanka Komishanka Xuquuqal Aadamaha iyo asaaradda shaqo gelinta, qoyska iyo arrimaha bulshada ee Somaliland

Guddoomiyaha komishanka xuquuqal aadamaha qaranka JSL iyo agaasimaha waaxda Caruurta & Dadka Nugul ee komishanka ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda shaqo gelinta, qoyska iyo arrimaha bulshada ee Somaliland.
Kulanka masuuliyiinta ayaa daarana xoojinta wada shaqaynta iyo dardar gelinta hawlaha shaqo ee ay wadaagaan wasaaradda iyo komishanka kuwaaso ay iskaashi ka yeelan doonaan Arrimaha xuquuqda caruurta, Xuquuqda haweenka iyo hawlaha la xidhiidha kaalmada sharci.
Dhanka kale kulanka masuuliyiinta waxaa ku wehelinaayey xubno ka kala socda labada wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska iyo komishanka xuquuqul iinsaanka qaranka.
Gebegabadii waxaa kulanku ku soo dhamaaday isafgarad iyo sidii kor loogu qaadii lahaa loona ilaalin lahaa xuquuqaadka iyo xorriyadaha caruurta iyo dadka nugul.