Kormeerka Komishanka Xuquuqal Aadamaha ee Gobolka Sanaag

 

Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo kuna suganGobolka Sanaag ayaa kormeer ku sameeyay xabsiga dhexe ee magaaladda Cerigaabo. Kormeerkan oo aha mid uu komishanku xog kaga helayay xaaladaha guud ee maxaabiista ku sugan.

Sidoo kale Xubnahan ka socday Komishanka oo warbixino kala duwan ka dhagaystay saraakiisha ka tirsan ciidamada Booliiska iyo Asluubta ayaa ka wada hadlay dardar gelinta iyo xoojinta arrimaha xuquuqal aadamaha ee maxaabistaas.