Kulan wadatashi oo ku saabsan Dardargalinta Xeerka Saxaafad Somaliland

Komishanka xuquuqal insaanka qaranka ayaa magaalada Borama ku qabtay kulamo wadatashiyo ah oo ku saabsan Dardargalinta Xeerka Saxaafad Somaliland iyo doorka Madaxbanaanida iyo ilaalinta xoriyada saxaafada iyo caqabadaha sharci ee jira. Tabobarkan ayaa waxa kasoo qayb galay xubno ka socday masuuliyinta gobolka oo ay ka mid ahayeen Mayorka degmada Borama, Xoghayaha Gobolka Awdal ,isuduwaha komishanka xuquuqal insaanka ee gobolka Awdal , Saraakiil ka socotay komishanka , saxaafada iyo xubno hoosaadka golaha wakiilada ee arrimaha xuquuqal insaanka, waxaana lagu falanqeeyay Muhimada ay leedahay in la dhawro madaxbanaanida iyo Xoriyada Fikir dhiibashada ee Saxaafada iyo caqabadaha dhanka sharciga ee ku gadaaman. Tabobaradan ayaa qayb ka ah shaqooyinka uu komishanka xuquuqal insaanku ku xoojinayo ilaalinta xuquuqda iyo madaxbanaanida saxaafada ee dalka.