Kulanka isku xidhka daneeyayaasha xuquuqal aadamaha ee dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba

Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka jsl iyo Dalladda Guud ee naafadda Somaliland ee SNDF
ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay kulanka isku xidhka daneeyayaasha xuquuqal aadamaha. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen ha’ayado dowli ah, Xeer ilaalinta ,SNDF, iyo ururo bulsheed oo kala duwan iyo Ha’ayado caalami ah ay ugu horeeyso saraakil ka socotay UNSOM kulankan ayaa lagaga hadlay arrimaha ku salaysan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Agaasimaha fulinta Komishanka Xuquuqal Aadamaha Cabdisamad Sacad Xasan oo shirka furay ayaa mahadnaq kadib xog ka siiyay ka soo qayb galayaasha muhiimada kulankan u leeyahay qaranka iyo ilaalinta xuquuqal aadamaha isaga oo sidoo kale kulanka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqa Aadamaha Maxamed Baaruud Cali iyo
Faadumo Saleebaan oo ah Agaasimaha Waaxda Caruurta iyo Dadka Nugul ee Komishanka xuquuqal aadamaha ayaa warbixin dhinacyo fara badan taabanaysa oo ku saabsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ka bixisay,
Xubin Ka socotay SNDF ayaa iyaguna madasha ka soo jeedisay warbixin kooban oo ku salaysan waxqabadkooda iyo doorka ay ku leeyiihiin caawinta iyo ilaalinta xuquuqaadka bulshada kala duwan ee ay adeega u fidiyaan.
Gebagebaddii , dood furan iyo falaqayn ka dhaxaysa ka soo qayb galayaasha ayaa lagu soo afjaray kulankan taas oo ay ka soo baxeen qodobo iyo isafgaradyo loo arko xal.