Kulanka Komishanka Xuquuqal Aadamaha iyo Ha'ayada UNSOM

Agaasimaha Fulinta Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka JSL Cabdisamad Sacad Xasan ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ha'ayada UNSOM,
Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa ahaa mid labada dhinac kaga wada hadleen xalaadaha kala duwan ee Arrimaha Xuquuqal Aadamaha gaar ahaan arrimaha la xidhiidha xadgudubyada jinsiga ku salaysan. Intii uu socdey kulankani waxaa sidoo kale lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wadashaqaynta labada dhinac ee shaqooyiinka kor loogu qaadayo ilaalinta xuquuqal aadamaha taas oo komishanku qaranka masuul uga yahay.