Kulanka Wacyigelinta Gudiyadda Barakacayaasha ee Magaalada Borama

Komishanka xuquuqal insaanka qaanka jsl ayaa ku qabtay magaaladda Borama kulan wacyigelineed oo xog la isku waydaarsanayo gudiyada barakacayaasha ee ka jira magaalada Borama.

Kulankan aya ujeedadiisu ahayd mid lagu falaqaynayo xaalada xuquuqal insaan ee dadka ku sugan barakacayaasha magaalada. Waxa kale oo kulankani la isku waydaarsaday:-

1. Barashada Xuquuqda Aadamaha

2. Isku xidhka Bulshada iyo Xafiiska Xuquuqal Aadamaha ee gobolka Awdal 

3. Falaqaynta arrimaha kala duwan ee xadgudubka ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee gobolka ka dhaca gaar ahaan goobaha Barakacayaasha

4 Kor u qaadida arrimaha xuquuqda aadamaha ee muwaadiniinta ku sugan gobolka.

Ugu dembeyntii , kulankan aya ah mid fududaynaya shaqada xafiiska Xuquuqal Insaanka ee gobolku hayo bulshadana kor loogu qaaday aqoontooda arrimaha xuquuqal Insaan.