Tababarka Macalimiinta Dugsiyada Sare ee Waxbarashada Wadaniyadda iyo Xuquuqal Insaanka

Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka ayaa magaalada Hargeysa tababar ugu qabtay macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare ee ku yaalla magaalada Hargaysa. Tababarkan oo ay ka soo qayb galeen Saraakiisha Komishanka Xuquuqal Insaanka , Agaasimaha Fulinta Komishnka Xuquuqal Insaankaiyo Gudoomiye Ku Xigeenka Wassaaradda Waxbarashada Saleebaan Siciid Saleebaan, waxaana tababarkani uu ku saabsanaa sida ardayda dugsiyada sare aqoontooda Xuquuqal Insaan iyo Wadaniyadeed (Human Rights and Civic Education) kor loogu qaadi laha taas oo waxtar u leh hoos u dhiga tirada kor u socota ee dhalinyarada ku sugan saldhigyada iyo xabsiyada kala duwan ee dalka.
waxaa tababarkan lagu sheegay in barnaamijkani uu yahay mid wax badan ka badali doona aqoonta ardayda hadii la fuliyo oo la iska kaashado hirgelintiisa iyo u gudbintiisa guud ahaan dugsiyada madaama qayb balaadhan uu ka qaadan doono tayaynta ardaydaas.