Borama - Daah-furka shirka wadatashiga diyaarinta siyaasadda qaranka ee Xuquuqal Aadamaha

Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka JSL ayaa taariikhdu markay ahayd 12/07/2023 magaalada Borama ka daah-furay shirka wadatashiga diyaarinta siyaasadda qaranka ee xuquuqda aadamaha Somaliland. Shirkan ayaa ahaa mid ay ka soo qayb galeen isku-duwayaasha gobolka , maamulka gobolka iyo degmada, odayaal , waxgarad iyo bulsho kala duwan oo ku nool magaalada Borama oo ka qayb qaatay shirkan oo noqonaya mid socon doona mudo laba maalmood ah.
Shirkan ayaa waxaa furay Iskuduwaha gobolka ee Komishanka Xuquuqal aadamaha Cismaan Ciye iyo agaasimaha Fulinta Komishanka Cabdisamad Sacad iyaga oo kaga hadlay ahamiyadda uu leeyahay in hiregeliyo siyaasadda qaranka ee xuquuqda aadamaha Somaliland kaas oo waxtar badan ku soo kordin doona ilaalinta iyo horumarinta xuquuqal aadamaha.
Waxaa kale oo shirkan qayb ka ahaa Ha’ayada Caalamiga ah ee UNSOM iyada oo Mr. Charles oo ka tirsan saraakisha ha’ayadaas uu ka hadlay in la derdergelinayo diyaarinta siyaasaddan oo ah mid Somaliland ka dhigaysa wadan ku dayasho mudan marka ay noqoto ilaalinta xuquuqal aadamaha. Waxaa kale oo madasha ka hadlay Xoghaya gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed oo shaaciyey in muhiim ay tahay ilaalinta xuquuqal aadamaha in markastana diyaar loo ahaado talaabooyinka qaranku dadaalka ugu jiro sidii loo ilaalin lahaa xuquuqal aadamaha.