Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka JSL ayaa magaalada Burco ka daah-furay shirka wadatashiga diyaarinta siyaasadda qaranka

Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka JSL ayaa magaalada Burco ka daah-furay shirka wadatashiga diyaarinta siyaasadda qaranka ee xuquuqda aadamaha Somaliland . Shirkan ayaa ahaa mid ay ka soo qayb galeen maamulka Gobolka Togdheer ,isku-duwayaasha gobolka , Saraakiisha Ciidamada kala duwan, waxgarad iyo bulsho kala duwan oo ku nool magaalada Burco oo ka qayb qaatay shirkan oo noqonaya mid socon doona mudo laba maalmood ah. Shirkan waxaa furay Iskuduwaha gobolka ee Komishanka Xuquuqal aadamaha C/Raxmaan Cawil Qaasin oo ugu mahadnaqay ka soo qayb galayaasha sheegayna ahamiyadda uu yeelanayo dhamaystirka siyaasadda qaran ee xuquuqal aadamaha. Sidoo kale agaasimaha Fulinta Komishanka Cabdisamad Sacad iyaga oo ka hadlay ahamiyadda uu leeyahay in la hiregeliyo siyaasadda qaranka ee xuquuqda aadamaha Somaliland kaas oo waxtar badan ku soo kordin doona ilaalinta iyo horumarinta xuquuqal aadamaha kana dhigi doona Somaliliand mid xeerarkeeda iyo talabooyinka ha’ayadaha iyo laamaha kala duwan ee dowladdu qadayaan ay noqdaan kuwa xuquuqal aadamuhu ka dhex muuqdaan.
Waxaa kale oo shirkan qayb ka ahaa Ha’ayada Caalamiga ah ee UNSOM iyada oo Mr. Charles oo ka tirsan saraakisha ha’ayadaas uu ka hadlay in la derdergelinayo diyaarinta siyaasaddan oo ah mid Somaliland ka dhigaysa wadan ku dayasho mudan marka ay noqoto ilaalinta xuquuqal aadamaha. Waxaa kale oo madasha ka hadlay Taliye ku- Xigeenka Ciidanka asluubta ee Gobolka Togdheer , G/ku-Xigeenka Maxkamadda Racfaanka Garyaqaan Cabdiwali iyo G/Ku-Xigeenka Gobolka Togdheer Muxumed Xassan Jaamac shaaciyey in muhiim ay tahay ilaalinta xuquuqal aadamaha in markastana diyaar loo ahaado talaabooyinka qaranku dadaalka ugu jiro sidii loo ilaalin lahaa xuquuqal aadamaha.