Warbixinta Cawo Xariir Raage

Xarunta Agoomaha Hargeysa waa xarun lagu hayo carruurta laguna xanaaneeyo, hadaba Cawo Xariir Raage waa gabadha yar oo ku barbaartay xarunta agoomaha ee Hargeysa halkaasi oo waalidkeedu geeyay, Cawo waxay ka soo jeeday qoys sabool ah, oo aan awoodin in uu koriyo. Cawo Xariir waxaa ay la kulantay tacdiyo galmo oo ay kula kaceen 7 wiil oo ku jiray xarunta Agoomaha ee Hargeysa.

Sidaa awgeed Cawo Xariir waxay qaaday uur kaga yimid kufsigii loo gaystay, da’da Cawo waa 14 jir waxanay ahayd gabadh maskax ahaan u xanuusanaysa sida ay soo Cadeeyeen saddex dhakhtar oo ku takhasuusay xanuunada maskaxda.

Hadaba Komishanka xuquuqal Adamaha Qaranka waxa uu soo gaadhay Kiiskani tariikhdu markay ahayd 5/06/2020 waxaana komiishanku qaaday talabadii ugu Horaysay 6/06/2020, wuxu u kuurgalay xaalada tacdi ee loo gaystay Cawo Waxaanu la kulanay dhinacyo kala duwan oo Cawo Aabaheed ka mid yahay, waxa uu noo sheegay in Cawo ay xarunta ku jirtay mudo badan iyada iyo laba kale oo ay walaalo yihiin, halkaasna uu kaga warhayn jiray balse aanu ogayn tacadiga gabadhiisa ku dhacay balse mudo kadib loo sheegay in inanatiisu leedahay uur kaga yimid xaruntii ay ku noolayd dhexdeeda.

sidoo kale waxaan baadhis ku samaynay goobta uu falku ka dhacay oo ahayd xarunta Agoomaha ee ay Cawo ku jirtay, waxaanan waraysiyo la samaynay maamulka goobta.

Hadaba Komishanku waxa uu si dhaw ula socday kiiska Cawo oo baadhitaano kala duwan soo maratay sida laamaha aminaga, Xeer -Ilaalinta iyo waliba badhitaano caafimaad oo dhanka maskaxda ah oo loo sameeyay Cawo.

Waxa soo dhamaday baadhitaanki , kiiskii cawo waxaa loo soo gudbiyey Xeer Ilaalinta gobolka Maroodi jeex, halkaasi oo laga bilaabay eeda dacwadda Eedaysanayaasha 7-da wiil ee Cawo kufsiga u geyastay sidda ku cad baadhitaanada la Sameeyay.

Xeer ilaalintu waxay u gudbisay kiiska Maxakamada Gobolka Maroodi jeex, halkaasi oo lagu guda galay kiiska Cawo oo ay eedu u dhignay in ay ku soo edaysay kufsi si wada jir ah  qodobaka 398 ee Xeerka Ciqaabta, halka garoosuruhu uu baal maray qodobkas waxaanu ka soo saaray xukunkan:

Xukunkani waxa uu ku dhacay todobadii eedaysane laba kamid ah waxaa lagu xukumay midkiiba sadex sano oo xadhig ah, halka shan kalena lagu xukumay 6 bilood oo Dibad joog ah, waxaana loo cuskaday xeerka garsoorka, labada kalana lagu xukumay saddex sano halka 6 bilood aanay xukun ku sheegin xeerka loo cuskaday sida ay Xeer-Ilaalintu ku Dhawaaqay Taariikhdu markay ahayd 17/10/2020.

 

Talo Soo Jeedinta Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka:

1. Komishanku waxa uu soo jeedinayaa in la adkeeyo xukunka danbiilayaasha gaysta kufsiga.

2. In ay Cawo Xariir hesho xukun Caddaalad ah, si waafaqsan Qodobbada Sharci ee ka Dhanka ah Ciqaabta Xad gudubyada Kufsiga .

3. In ay Cawo Xariir hesho magdhawga tacaddigii loo gaystay awgii, iyo xuquuqdeedii Madaniga ahyd .

4. In Maxkamaduhu ay adkeeyaan xukunnada kasoo baxaya ee khuseeya tacddiyada ka dhanka ah Kufsiga, isla markaana ay maxkamaduhu raacaan Xeerarka Xuquuqda Aadmaha kuwooda maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba.

Allaa Mahad Leh